Warar hordhac ah oo naga soogaadhaya Magaalada Maqale ee Kililka Tigrey ayaa sheegaya in lasoo gaba gabeeyay kalfadhigii 12aad ee Xisbiga Tigrey oo afka qalaad lagu yidhaahdo Tigrayan Peoples’ Liberation Front (TPLF). Kalfadhigan ayaa 7-xubnood oo kamid ahaa TPLF lagaga eryay Golaha Dhexe ee Xisbiga.

Xisbiga TPLF ee utaliya Itoobiya ayaa khilaaf balaadhani uu hadheeyay intii mudo ahba. Sida wararkani ay sheegayaan wuxuu xisbigu u kala jabay labo kooxood oo ku loolamaysa awood qaybsiga dalka. Kalfadhigan oo socday dhawrkii bari ee lasoo dhaafay ayaa waxaa kamid ah natiijooyinkii kasoo baxay in 7-xubnoo oo kamid ah aas aasayaashii TPLF laga eryay Golaha Dhexe ee Xisbiga TPLF.

Xubnahan la eryay oo qaarkood ay mudo dheer kamid ahaayeen hogaanka ugu sareeya ee TPLF ayaa karkaarka lawaydaariyay. Magacyada xubnaha laga saaray TPLF ayaa kala ah sidan soosocota:-

1) Abay Sahay

2) Tedros Hagus

3) Abadhi Zamu

4) Segaye Barhe

5) Ruman Gabresalase

6) Tawalde Barakh

7) Teklewayn Asfan

Faah faahinta natiijooyinkii kasoo baxay kalfadhigan iyo meeshuu ku dambeeyay kala qaybsanaantii xisbiga dhexdiisa ahayd waxaad kaheli doontaan wararkaanaga dambe haduu ilaahay yiraahdo.

ONA

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay