Gobolo badan oo kamid ah Itoobiya ayay ku habsadeen abaaro ba,an oo xaalufiyey dad iyo duunyaba sida ay kusoo warameen hay,adaha  ka hortaga masiibooyinka lagana sii daayey Tv-yada dalkaasi Itoobiya.

Maamulada Canfarta iyo qaybo kamid ah Ogadenya siiba gobolka Shiniile ayay ku habsadeen abaarihii ugu darnaa ee soo mara gobolka geeska afrika wixii ka dambeeyey abaartii caanka ahayd ee sanadkii 2000,waxaana Tv -da caalamka iyo kuwa Itoobiya ba laga soo daayey nolol aad u liidata oo ay dadka deegaanadaasi ku nool yihiin,xoolihii oo dhamaaday iyo weliba dadka oo raxan raxan ugu dhamaanaya nafaqo darro iyo cuduro gaajo iyo baaro ay keeneen.

Dowlada Itoobiya oo hesha inta ugu badan gargaarka ay bixiyaan dowladaha ree galbeedku ayay hadana abaaraheedu dhamaanin waxaana loo isticmaalaa gargaarkaas howlo siyaasad iyo milatari oo lagu dhibaateeyo shucuubta ku hoos dulman taliska Addis Ababa,waxayna goob kasta ka sheegtaa inay barwaaqo iyo horumar gaadhay balse aan waxba kajirin meelo badana lagu fadeexeeyo.

Hay,adaha ka hortaga Masiibooyinka ayaa sidoo kale soo tabinaya in abaaruhu aysii fidiyaan meelo kale oo Itoobiya kamid ah hadaan laga hortagina ay adkaan doonto sida wax looga qabto.

HALKAN KA DAAWO

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay