Wararka naga soogaadhaya wadanka ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa sheegaya in laba dagaal oo ka kala dhacay gobolada Qoraxay iyo Jarar oo ciidanka gumaysiga loogu
awood sheegtay dagaaladan ayaa lagu laayay saraakiil sarsare oo Itoobiyaan ah.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 18/8/2015 deegaanka Dig oo Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar katirsan weerar ay
ciidanka wadaniga xoraynta ogadenia kuqaadeen ayaa ciidanka gumaysigaItoobiya oo halkaas kusugnaa ayeey qudha kaga jareen 4 kamid ah ciidanka gumaysiga 6 kalana waa kaga dhaawacay.

Dhanka kale waxaa 26/8/2015 degaanka lagu magacaabo Madaxmaroodi oo Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay katirsan dagaal xaqlayaasha utaagan soocelinta sharafta shacabka Somalida Ogadenia iyo
ciidanka doolka kujooga ogadenia ee wayaanaha kudhexmaray ayaa ciidanka cadawga laga dhigay hal dhumay iyo haldhaan raacay. Waxaana lahubsaday bakhtiga 3 ay kujiraan saraakiishii ciidanka watay 3 kalana waa laga dhaawacay.

Warka ayaa intaas kudaraya inuu jiro tiro aan laxaqiijinin oo ciidanka gumaysiga kaga bakhtida dagaalladan. Sidoo kale waxaa jira dagaalo kale oonan wali faah faahintooda nasoo gaadhin. Wararkaanaga dambe ayaan idiinku soo gudbin doonaa haduu ilaahay yiraahdo.

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay