Warar dhiilo xambaarsan oo naga soo gaadhay wadanka Ogadenia ayaa sheegaya xasuuqyo ay Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ka gaysteen meelo kala duwan oo wadanka Ogadenia kamid ah. Wararkan oon kahellay Wariyaha ONA uga soowarama Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa sheegaya in shacab rayad ah lagu xasuuqay meelo kala duwan oo wadanka kamid ah.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 22/8/2015 Garloogube oo Dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo katirsan uu ciidanka gumaysigu si waxshinimo leh ugu dileen Allaha unaxariistee nin lagu magacaabi jiray Cabdifataax Axmad Wali.

Sidoo kale 26/8/2015 Kudunbuur oo Dagmada Qabridahare ee Gobolka Qoraxay katirsan waxay ciidanka cadawgu si naxariis daro ah ugu dileen 2 muwaadin oo kamid ah shacabka Somalida Ogadenia waxaana lagu kala magacaabi jiray Allaha u naxariistee:- Ina Maxamad Cabdi Jigre iyo Hudle Dirir. Waxaa kaloo isla taariikhdaas 26/8/2015 Dagmada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan uu ciidanka wayaanuhu kudileen Allaha unaxariistee gabadh lagu magacaabi jiray Ugbaad Xassan.

Dhanka kale 26/8/15 Magaalada Adis-ababa ee caasimada Gumaysiga Itoobiya waxay ciidanka gumaysigu kudileen darawalkii gacanyare cabdi ilay waxaana lagu magacaabi jiray Ilkacase Muxumad.

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay