Waxaa maanta ooy taariikhdu tahay ka dhacday Magaalada Manchester xaflad si wanaagsan ay usoo agaasintay Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Greater Manchester ee dalka Ingiriiska oo kusaabsan xuska Sanad guurada 31aad ee kasoo wareegtay Aasaaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO).

Xafladan waxaa kasoo qaybgalay dhamaan qaybaha bulshada ee Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Gobolka Greater Manchester ay ka kooban tahay. Waxaa kaloo kasoo qeyb galay Jaaliyada Somaliweyn ee ku dhaqan Manchester oo iskaashi iyo xidhiidh wanaagsan uu ka dhexeeya bahda Halganka ee Somalida Ogadenya ee kahawl gasha magaalada Manchester.

Munaasabadan waxaa khadka Teleefanka uga qeybgalay Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo halkaas kawaramay Marxaladihii Halganka Ogadeniya soo maray iyo sida shacabka Somalida Ogadeniya ugu guntadeen ineey heeryada gumeysiga isaga qaadi lahaayeen. Waxaa kaloo ka hadlay Gudomiyaha Jaaliyada Greater Manchester iyo Aqoonyahanka Somalida Ogadeniya ee kunool Gobolka Greater Mancheter. Waxaa lagu soo bandhigay munaasabadan khudbado meelo badan taabanaya oo kahadlaya taariikhda Halganka Ogadenya.

Ururka Haweenka Somalida Ogadeniya (UHO) iyo Ururka Dhalinyarada OYSU ee greater Manchester ayaa suurtogaliyay bandhig dhaqameed qurux badan oo lagu soo bandhigay munaasabadan iyagoo halkaas kumuujiyay Astaamaha Halganka Somalida Ogadeniya ugaarka ah. Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Greater Manchester waxay kamidtahay Jaaliyadaha Ogadeniya ee ka hawlgala wadanka Boqortooyada Ingiriiska UK.

Munaasabadan ayaa kudoo dhamaantay jawi aad uwanaagsan oo loowada riyaaqay. Dadwaynihii xafladan kasoo qaybgalay ayaa dhamaantood ka maqsuuday qaabkii loosoo maareeyay munaasabadan.

 

ONA

Man7

Man6

Man5

Man4

Man3

Man2

Man1

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay