Maanta oo Axad ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 30/8/2015 Waxaa xerada Qoxootiga Ifo ee deegaanka Dhadhaab lagu qabtay xaflad balaadhan oo lagu dooranayay maamul cusub oo uu yeesho ururka OYSU fariciisa Ifo.
Xafladan oo ahayd mid aad looga sooshaqeeyay waxaa qabashadeeda iyo qaban qaabadeedaba lahaa urur hoosaadka OYSU ee kadhisan xerada Ifo.Munaasabada maamulka cusub lagu dooranayay ayaa furantay abaare 2:00  duhurnimo waxaana furay gudoomiyaha gudiga qabanqaabada mudane Cashir maxamad oo ugu horaynba codsaday inaan waajibaadka ina saaran iska ridno waxaana lagu furfurtay aayado kamid ah Qur’aanka kariimka ah.

Intaas kadib waxaa sitoos ah looguda galay muhiimadii xaflada oo ahayd in lagu yagleelo maamulka cusub ee sandka soosocda ururka hogaamindoona hadii Alle ogolaado waxayna doorashadan u dhacday qaab fartaag ah iyadoo ay xubnuhu ukala codeeyeen labo mudane oo ay soo sharaxeen gudiga qabanqaabada doorashada oo mudo hal bil ah baadhitaan kuhayay xoghayaha ay ku aaminayaan masiirka ururka dhalinta iyo ardayda qaybtiisa Ifo waxayna soo sharaxeen labo halgame oo aan kala dhicin waxaana codka ugu badan kuguulaystay Halgame Cabdulaahi Bashiir
oo kamid ah xubnaha ugu firfircoon urur hoosaadka OYSU Ifo.

Intaas kadib waxaa khudbado gaagaaban oo dardaaran ubadnaa soo jeediyay qaar kamid ah marti sharaftii xaflada kasooqayb gashay waxaana hadalka qaatay Hogaanka Abaabulka ee urur waynaha OYSU oo xaflada goobjoog ka ahaa wuxuuna soojeediyay khudbad qiima badanoo waano iyo dardaaran ubadnaa. Sidoo kale waxaa hadalo qiimo leh soojeediyay waftiyadii kakala socday OYSU Dhagaxlay iyo OYSU Xagardheere. Dhanka kale waxaa kudbad diiran oo qiima badan soojeediyay sheekh duceeye oo kamid ah ururka duqayda Ogadenia ee deegaanada Dhadhaab iyo
Faafi.
Guntii iyo gunaanadkii xafladii lagu dooranayay maamulka cusub ee OYSU Ifo ayaa sinabad galiyo ah kusoo dhamaaday waxaana soo xidhay xoghayaha cusub ee xilka lawareegay maanta.

ONA Ifo.

ifo4

ifo3

ifo2

ifo1

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay