Wararka aan kahelayno gudaha wadanka Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo aad ubaahsan ooy ciidanka dulmiga kucaan baxay ee Gumaysiga Itoobiya u gaysteen dad badan oo kamid ah shacabka Somalida Ogadenia. Warkan oon kahellay Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa
faah faahin ka bixinaya tacadiyadan oo isugu jira xidhay, dhac iyo jidhdil kala duwan oo loogaystay bulshada rayadka ah ee Somalida Ogadenya.

Waxaa marekay taariikhdu ahayd 25/8/2015 Miirdambas oo dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo katirsan uu ciidanka waraaba dadowga ah ee xasuuqa shacabka loocarbiyay ay xidhay iyo jidh-dil isugu dareen muwaadin lagu magacaabo Cabdi Khaliif.

Sidoo kale waxaa isla taariikhdan kor kuxusan Dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo uu ciidanka cadawga ah ee gumaysiga Itoobiya xidhay, jidh-dil iyo dhac ugu gaysteen dadka kala ah:-

1) Maxamad Cabdi Jigre iyo wuxuu dad iyo duunyo lahaa oo idil.
2) Cabdi Bootaan oo isna wuxuu dad iyo duunyo lahaaba lasoo tubay xabsiga dhexe ee dagmada waxaana labadan qoys loogaystay jidh dil aad u daran.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay