Wararka naga soogaadhaya dagmada Dhagaxmadow ee Gobolka Jarar ayaa sheegaya dhibaatooyin dhankasta ah ooy ciidanka gumaysigu ugaysteen dad shacab ah oo ku dhaqnaa dagmada iyo nawaaxigeeda.

Warkan oon ka hellay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya (ONA) uga soo warama Xarunta Dhexe ee Ogadenya ayaa sheegaya in dad badan oo kudhaqan dagmada Dhagaxmadow boob hantiyeed iyo xadhig laysugu daray.  Shacabkan la dhibaateeyay ayaan hellay qaar kamid ah magacyadooda, kuwaasoo kala ah sidan soosocota:-

  1. Aw-Faarax oo ah nin waayeel ah waxaa laxidhay isaga iyo wuxuu dad dhalay. Sidoo kale waxaa laga dhacay 5 geel ah iyo 200 oo neef oo adhi ah.
  2. Ibraahim Axmad Geedi oo isaga iyo 12 qof oo uu dhalay xabsiga lootaxaabay lagana dhacay 23 adhi ah iyo 5 riti oo ay reerku raranayeen.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay