Sida uu kusoo waramayo Wariyaha ONA ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya howlgalladii ugu dambeeyay eey N/hurayaashu kucibaadaystaan oo ka dhacay Gobolka Nogob. Warkan oo faah faahintiisa aan kahelay xarunta dhexe
ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

24/8/15 Gomoshka oo dagmada Galaalshe ee Gobolka Nogob katirsan dagaal aad uculus oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh oon
dib kasoo faah faahin doono haduu ilaahay yiraahdo.

24/8/15 Suuqwayne oo kuyaala gudaha magaalada Fiiq dagaal culus oo N/hurayaasha utaagan xoraynta wadanka ogadenia iyo kuwa jaha wareersan ee gumaysigu soo howl galiyay ku dhexmaray waxaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan oon wali lasoo faah faahinin.

30/8/15 Dulgaabo oo Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob katirsan weerar qorshaysan ooy CWXO ku qaadeen ciidanka gumaysiga oo halkaas kusugnaa waxay kaga dileen 8 askari 7 kalana way kaga dhaawaceen.

ONA/Ogadenia

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay