Alle ha u naxariistee waxaa  muddo gaaban kahor lagu hor toogtay dukaankiisa ganacsado u dhashay Ogadenya oo lagu magac-aabi jiray Aadan Cabdiwahaab oo in mudo ah ka ganacsanayay wadanka Koonfur Afrika.

Marxuumka ayay tuugo hubaysan ku hor toogteen dukaankiisa oo ku yaala magaalada East London xili uu dukaanka xidhay,waxaana marxuumka xiligaas la taagnaa Abshir oo ah  muwadin  ree Ogadenya oo ka baxsaday dilkaas isagoo bad qaba balse isna la rasaaseeyey,budhcadii hubaysnayd ee marxuumka dishay ayaa goobta ka baxsatay mana jirto cid loo qabtay dilkaas foosha xun iyo kuwo kale oo badan oo lagu gumaado ganacsadayaasha ka xamaasha wadanka K/Afrika siiba Somalida Ogadenya iyo kuwa Jamhuuriyada Soomaaliya.

Marxuum Aadan Cabdiwahaab  oo kasoo jeeda gobolka Shabeele ee wadanka Ogadenya ayay marar hore budhcad hubaysan kusoo weerareen dukaankiisa una gaysteen dhaawacyo halis ah waxaana jidhkiisa ku taalay todobo xabadood oo horay loogu dhuftay balse ilaahay ka kiciyey.

Ciidamada amniga ee magaaladaas ayaa goobta yimid xili dambe oo dablaydii goobta ka baxsadeen waxayna la tageen maydkii Marxuum Aadan Cabdiwahaab oo isbitaalka weyn ee magaaladaas hada yaala.

Alle ha unaxariistee Aadan Cabdiwahaab wuxuu kamid ahaa ganacsadayaasha Ogadenya ee aadka u firfircoon waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu janadiisa ka waraabiyo,eheladii iyo qaraabadii iyo dhamaan shacabka Ogadenya na samir iyo iimaan kasiiyo Aamiin…….

IMG-20150901-WA0014IMG-20150901-WA0021IMG-20150901-WA0020 IMG-20150901-WA0015
IMG-20150901-WA0016
IMG-20150901-WA0017 IMG-20150901-WA0019

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay