Dhibaatooyinka aan kala joogsiga lahayn ee kasocda wadanka ogadenia ee loo gaysanayo shacabka biri magaydada ah ee soomaalida ogadenia ma aha wax aan qalin iyo hadal kusoo koobi karo mana aha wax laga bixin karo sawir deeqa qofka aan lasoconin xaalada wadanka.
Marka laga hadlayo waxyeelada loogaystay shacabka aan waxba galabsanin ee ree ogadenia u mabaahnid in aad kasheekayso dhacdooyin hore,waayo waxay indhahaagu qabanayaan dhacdo wax kayar bil iyo baryo ku dhacday qaar kamid ah shacabka dulman ee soomaalida ogadenia. Nin kunoolaa deegaan ayna colaadu kadhamaanin ayaa waydiiyay nin kale su’aal wuxuuna kuyidhi mayd maxaa udanbeeyay wuxuuna ugu jawaabay kaas lasiiwado waxaad halkaa kadhadhaminaysaa in ay goobtaasu tahay goob
colaadeed oo dadka lagu laayo xilikasta.

Hinda Macalin waa hooyo haysata 6 ciyaal ah oo todobaadkan si dhuumashaal ah kaga soobaxday ogadenia kadib dhibaatooyin aan laqiyaasi karin oo Hinda iyo reerkeeda ay soo gaadhsiiyeen ciidamada ku caanbaxay dulmiga iyo dulaynta dadka shacabka ah ee soomaalida ogadenia.

Hinda waxay xerada qoxootiga Xagardheere soogaashay 26/8/15 waxayna safarkeeda dheer ay dhibka ku mutaysatay kasoo bilowday Gobolka Nogob ee dhulka Ogadenia. Mar aan Hinda ku booqday goobta ay xerada kaga sugantahay ayay Hinda iiga warbixisay waxa kasoo barakiciyay wadankeedii iyo sida ay kusoo gashay xeryaha Dhadhaab waxayna isiisay waraysi qiiro badan oo qofkii dhagaysta u marqudha badalmayo waxayna Hinda iisheegtay in ay kamid ahayd dadkii bar tilmaameedka unoqday ciidanka wayaanaha iyadoo sheegtay in ay xidheen marar badan isla markaana ay aad u jidhdileen, Hinda oo markaan waraysiga bilaabayba iyana biloday ilin iyo murugo iyadoo dib ujaleecday waxay soomartay
ayaa inbadan kawarbixisay xisaabtii ay kumartay xabsiyadii kala duwanaa ee ay soomartay.

Hidda oo hadalkeeda siiwadata ayaa sheegtay in odaygeedii uu kujiro xabsiga ciqaabta ee looyaqaano Jeel-ogaden waxayna sheegtay in uusan ahayn qof maanta nonol lagu tirinkaro ” anigu indhaha masaarin mana filaynin in uu noolyahay balse waxay dadku iisheegeen in uu jeel-ogadeen kujiro isagoo burbursan waxaana laxidhay xili uu hayay ciyaalka oo aan anigu dhuumaalaysi kujiray” waxaa sidaas tiri Hinda oo
ilin indhaheed buuxisay.

Hinda Macalin oo uwaramaysay wakaalada wararka ogadenia ONA ayaa kasheekaysay in ay kamid ahaayeen dadka ugu nolasha roon waxaana ka hor dareerayay sadexda caanaha macaan waa Geela,Lo’da iyo Adhiga e waxayse sheegtay inay la qaybsatay masiibada ku dhacday dhamaan shacabka ree ogadenia si ay ukala daranyihiinba waxayna sheegtay in ay go’aansatay in ay ciyaalka meel uun ula baxsato si ay u sii noolaadaan waxayna bilowday in ay kasoo xidh xidhato deegaankii ay kudhalatay oo ayna waligeed kabixin. Mar ay Hinda sharaxaysay waaya aragnimadeeda xaga dhulka ah ayay sheegtay in ay nolasheedii ugu badnayd ku qaadatay inta u dhaxaysa magaalada Fiiq iyo dagmada Galaalshe waligeedna aysan kufikirin in ay meel kale kunoolaato waxayna ii sheegtay soo bixitaankeedu in uu ahaa labo daran mid dooro waxayna go’aan satay in ay soogasho socdaal dheer oo aysan uhaysanin kharash iyo ciidan toona iyadoo kaaga daran e xaamilo ah 5 ciyaal ahna wadata waxayna kasoo dhex baxday dhamaan
reerkii buuxay iyadoo biyo kusoo qaadatay hal dameer waxayna soo wajahday dhinaca dagmada Goday ee xarunta gobolka Shabeelle waxayna socod rafaad badan kadib soogaadhay deegaan laga xukumo magaalada Goday halkaas oo ay ku umushay iyadoo ay kaalmo u fidiyeen dadka deegaanka ay socotada ku ahayd modo yar markay halkaas joogtay ayay dadka deegaanku kuwar galiyeen in aysan safarkeeda siiwadan karin sababtuna ay tahay magaalada Goday oo ah goob halbowle ah oo lagu qaqabto dadka ukala socdaalaya gobolada wadanka iyo wadamada dariskaba waxayna mar kale Go’aansatay in ay ulaabato dhinaca galbeed si ay usoo marto dhinaca dhulka Oromia si ay uga badbaado qawlaysatada ka
kaluumaysata dhulka ogadenia waxayna markale u socdaashay galbeed iyadoo gaadhi kasoo raacday baadiyaha magaalada Baabili soona dhexmartay dhulka Oromada.

Hinda oo ay adkayd in aad loosii waraysto ayaa sheegtay in ay meel cidla ah dameer keeda kaga soo tagtay kadib markay heshay baabuur waxayna ii sheegtay in ay si aan laga sheekayn karin kusoo gaadhay xeryaha Dhadhaab.

Hinda Macalim oo haysata 6 ciyaal ah sida sawirka kamuuqata mahaysato hooy iyo dhamaan waxa uu bini’aadamku ubaahan yahay waxayna ku tiirsantahay kaalmada Allaah iyo shacabka s.ogadenia ee ku dhaqan Xagardheere mana helin kaarka raashinka iyo dhamaan waxay bixiyaan hay’adaha qaramada midoobay sidaas oo ay tahay Hinda waxaa kamuuqata xishood iyo samir ay ku samirsan tahay marxaladaha ay soomartay.

ONA Xagardheere.

IMG-20150901-WA0018IMG-20150901-WA0013
IMG-20150901-WA0011
IMG-20150901-WA0010IMG-20150901-WA0009IMG-20150901-WA0008IMG-20150901-WA0005IMG-20150901-WA0004IMG-20150901-WA0003IMG-20150901-WA0006

__._,_.___

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay