Halbeega cirifka Taariikheed ee gayiga Soomaaliya ayaa marka hadba gees laga
eego waxaa uu noqonayaa abuuritaankii soo galitaan ee Gumaysiga gayiga
Somaliya,
Gumaysiga la gumaystay  Somalia waxaa la dhihi karaa waxaa uu yimid xiligii  uu socday boobki
Afrika(Scramble of africa) waxaana ay ahayd ka gadaal markii uu ka dhacay shirkii Barlin
ee dhacay sanadkii 1884-1885 kaas oo ahaa (Partition of africa)
qaybsiga africa waxaana isugu yimid inta badan wadamada Reer yurub ee
geediga ku soo ahaa qaarada africa gaar ahaan geeska africa, wadamadi
isugu yimid shirkaasi waxaa kamid ahaa,

Britain.
Italy.
France.
Germany.
Belgium.
Portugal.
Spanish.

Waxaa la dhihi karaa waxay ahaayeen dawladihii ugu tunka waynaa ee ka
soo qaybgalay shirkaasi loogu magac daray (Partition of africa) iyadoo
sidoo kale ay Observer ka ahayd Abasiniya waxaana jogay wakiil uu
Minelik soo dirsaday, danta laga lahaa ka qaybgalka abasiiniya wuxuu
ahaa in ay noqoto wakiilka gumaysiga ee dhulka soomaaliya iyo
Ogadeniya oo ah laba wadan oo uu ceegaago ama ka buuxo Shidaal,Dheeman
kala duwan iyo macdan aad ubadan, hadaba Dawladaha africa soo galay
waxaa sahan u ahaa oo ka soo horeeyay sadex qaybod oo sabab u ahaa
imaanshahooda soomaaliya (Partition of Africa).

1- Travelers(waxay ahaayeen dad dal mareeno ah oo reer yurub ah
waxaana ay indha indhayn ku samaynayeen marxaladaha iyo khayraadka
wadamadda africa si ay warbixin u siiyaan wadamadda reer yurub ee
doonaya inay boobaan Africa).

2-Traders(Waxay ahaayeen dad ganacsato ah kuwaasi oo ganacsiga ka
waaridi jiray dhulka kheyraadku dhex ceegaago ee Africa kuwaasi oo la
dhihi karo waxay ka mid ahaayeen hormuudkii sababay qaybsigii iyo
boobki africa).

3-Missioners(Waxay ahaayeen wadaado christian ah oo fidinta diinta
masiixiga waday kuwaasi oo ku faafinayay dhulyawga africa, waxayna
dadkani masiixiga ah ay donayeen in ay Motivative ka dhigaan
qabsashadda iyo sahanka reer yurub ee Africa).

Wadamada Reer yurub waxaa ugu waynayd arinta soo galitaaankooda africa
arinta ah Resource kaasi oo ka turjumayay in Qaaradan ay ahayd Qaarad
dihin oo dheemanka iyo luulku dhex ceegaago iyadoo ay wakhtigaasi
jirtay arintii yurub ugu hadal hayn badnayd ee loo yaqaan (Industrial
Revolution) kacaankii warshadaha oo wadamada reer yurub ay doonayeen
in khayraadka dhulka Afrika ku jira ay gurtaan si warshadaha reer
yurub ay ugu noqdaan Row Materials.

Waxan sido kale meeshasi ka madhnayn Political Strategy oo ahayd in
Istraatijiyada Siyaasadeed ee markii dambe kaliftay Dagaaladi Koowaad
iyo labaad ee dunidda e ka dhaxeeyay wadamada reer yurub maraykanka
ruushka,Japan iyo Europe ay ku hardamaan.

Waxaa sidoo kale meesha ku jirtay Population Pressure iyo Commercial
Reason waxaana ay taasi ugu waynayd muhiimadaha strategy ee wadamada
gumaysiga.

Akhristayaal lasocda qaybaha danbe ee qormadan insha allaah

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Libanmiyir@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay