Wararka naga soogaadhaya Gobolka Shabeelle ee wadanka ogadenia ayaa ka warbixinaya howlgallo waawayn ooy Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia (CWXO) kafuliyeen deegaanada Boodhcaano iyo Ceelwayne oo kawada tirsan Gobolka Shabeelle. Labadan dagaal oo isku maalin dhacay ayay kuhoobteen ciidankii wayaanaha ee goobahaas lagu beegsaday iyadoo guud ahaan Gobolka laga dareemay labadan dagaal oo midu ahaa jidgooyo ay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia  u dhigeen kolanyo baabuur ah ooy wateen ciidanka wayaanuhu oo bakhti iyo balanbal kaladuwan loogu gaystay qowlaysatadii uu taliska wayaanuhu siidiray dagaalka labaad oo ahaa weerar ay ciidanka xooga dalka Ogadenia kuqaadeen xero ciidan oo wayaanuhu daganaa ayaa cashir lama ilaawaan ah loogu dhigay ciidankii halkaas kusugnaa waxaana laga dhigay mid bakhtiyay iyo mid dhaawacmay. Howlgalkan oo ahaa mid uu taliska Qaybta Birjeex sifiican uqorsheeyay ayaa ahaa mid lagu guulaystay.

Markay taariikhdu ahayd 5/9/2015 Degmada Boodhcaano oo Gobolka Shabeelle katirsan jidgooyo ay CWXO u xidheen kolonyo baabuur ah ooy wateen ciidanka gumaysiga Itoobiya waxayna kaga gubeen 1 baabuur oo nooca dagaalka ah waxaana kubasbeelay baabuurkii iyo dhamaan ciidankii wayaanaha ee saaraa. Isla tariikhdaas Degmada Ceelwayne oo Gobolka Shabeelle katirsan weerar aad uculus ooy CWXO kuqaadeen xero ay ciidanka wayaanuhu kuleeyihiin halkaas waxay ciidanka gumaysiga kaga dileen 25 askari 30 kalana way kaga dhaawaceen.

ONA-Ogadenia

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay