Wararka aan kahelayno Gobolka Nogob ee wadanka ogadenia ayaa sheegaya dagaal ciidanka wayaanaha loogu xoog sheegtay oo kadhacay deegaanka lagu magacaabo Gobayle iyo Erar  dhexdooda dagaalkan oo faahfaahintiisa oon kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO).

Warkan oon kahellay Wariyaha ONA ee Ogadenya uga soo waramaya ayaa sheegaya in maray taariikhdu ahayd 2/9/2015 dhulka miyiga ah ee udhaxeeya Goboyle iyo Erar oo dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob kawada tirsan dagaal Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia (CWXO) iyo kuwa wayaanaha ku dhexmaray waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay inta lahubsaday 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dagaalada u dhexeeya CWXO iyo kuwa Gumaysiga Itoobiya ayaa baryahan aad usoo badanaya. Dagaal yahanka CWXO ayaa cagta mariyay fadhiisimihii Wayaanuhu sida sharci darrada ah uu Ogadenya uga samaystay.

 

ONA-Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay