Waxaa si rasmi ah qalinka ugu duugay inay u midoobaan ridida xukuumada EPRDF afar urur oo mucaarad ku ah taliska Adis Ababa oo wada hubaysan,ururadan oo mid kasta goonidiisa uga soo horjeeday  taliska Adis Ababa dagaal kululna kula jiray ayaa markii dambe garowsaday in dhicitaanka xukuumada EPRDF ay soo dadajin karto haday mideeyaan cududooda milatari si dhakhso ay uga tuuraan xukunka qowmiyada yar ee Tigray ee ku amar taaglaysa qowmiyadaha kale.

Midowga afartan urur oo ah ururada hubaysan ee kasoo horjeeda Itoobiya kuwooda ugu xooga badan ayaa cabsi weyn ku abuurtay Xukuumada Itoobiya ee aan weli si rasmi ah loosoo dhisin waxaana laga cabsi qabaa in rag siyaasiyiin hore ahaa oo laga eryay xukuumadan cusub ay ku biiraan midowgan waxaana si aad ah looga hadal hayaa midowga ururadan dalka Itoobiya oo dhan.

HALKAN KA DAAWO

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay