Madaxweynihii hore ee dalka Chad Mr.Hussene Habre oo loo haysto dambiyo dagaal ayaa lasoo taagay maxkamad ku taala caasimada wadanka Senegal ee magaalada Dakar.

Hogaamiyahan ayaa lagu haystaa inuu ka dambeeyey amar lagu laayey in ka badan 40 kun oo kamid ah shacabkii uu xukumay mudadii uu madaxweynaha ahaa.

Maxkamadaynta madaxweynihii hore ee dalkaasi Chad Mr.Hussene Habre ayaa khalkhal weyn ku abuurtay in badan oo kamid ah madaxweynayaasha kalitaliska ah ee qaarada Afrika,waxayna arintani horseedi kartaa in qaar badan oo shucuubtooda gumaada la horkeeno maxkamad ay ku mutaysan karaan dil ama xabsi daaim.

Mr.Hussene Habre oo 72 jir ah ayaa wajahaya dacwo badan wuxuuna dhowr jeer oo hore diiday inuu hortago maxkamada qaadaysa dacwooyinkiisa waxayna maxkamadu markii dambe amartay in si qasab ah lagu horkeeno madxmada.Mr Hussene Habre ayaan aqoonsanayn maxkamada qaadaysa kiiskiisa wuxuuna ku qaylinayay markii si qasab ah lagu fadhiisyey kursigii loogu tala galay (Aamus…Aamus..idinma aqoonsani..maxaad tihiin…waxba igama qaadaysan idinka iyo kuwa idin soo dirsaday…)

Hadaladan naflacaariga ah ee uu maxkamada horteeda kalahaa kaligii taliyihii hore ee dalka Chad ayaa ah caadada kalitaliyayaasha marka lasoo qabto ee la horkeeno maxkadamadaha.

HALKAN KA DAAWO WIIXI KA DHACAY MAXKAMADA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay