Oslo-10-09-11- Waxaa caawa lagu soo gaba-gabeeyey caasimadda Oslo ee dalka Norway, shir balaadhan oo ay ka soo qeyb-galeen boqolaal kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee dagan dalka Norway. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dagan magaalada Oslo, kuwaas oo isugu jiray odayaal, waxgarad, aqoonyahanno iyo culamaaudiin. Waxaana marti-sharafta lagu maamuusay inay ka hadlaan shirka kamid ahaa; ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Mohamed A\llahi Farmaajo, Farshaxaniista weyne Amiir Caamir, Dr. Ducaale oo wakiil ka ahaa Jaaliyadda Soomaalida Ogadeenya ee dalka Denmark iyo Dr. Abdirashiid oo ka tirsan maamulka Jaaliyadda Ogadeenya ee dalka Norway.

Dr. Abdirashiid oo ku jira maamulka Jaaliyadda S. Ogadeenya ee wadanka Norway, ayaa khudbadiisa ku sheegay sooyaalka taariikhda gobanimo-doonka Soomaaliyeed soo maray iyo marxalladihii adkaa ee uu ka soo gudbay, Isagoo xusay inay mar kale ummadda Soomaaliyeed u baahan tahay Halyeeyo u kaca una soo dhiciya hay’badii iyo sharaftii qaranka Soomaaliyeed ku lahaa aduunka.

Mas’uulka ayaa sidoo kale gudbiyey fariinta dhabta ee uu xambaarsan yahay halganka gobanimo-doonka ah ee jabhadda ONLF-hormuudka ka tahay looguna jiro sidii loo soo celin lahaa karaamadii iyo xorriyadii shacabka Soomaalida Ogadeenya oo uu sheegay inay lagama maar-maan u tahay dagganaansho waara oo ka dhaca geeska Afrika, Soomaaliyana kamid tahay.

Khudbadan oo intii ay socotay xamaasad iyo shucuur wadaniyadeed ku abuurtay dadweynihii ka soo qeyb-galay shirka, ayuu Dr. Abdirashiid ku soo gunaanaday hadal murti ah oo uu kula dardaarmay ummadda Soomaaliyeed, isagoo yidhi « Soomaaliyeey xabaal iyo ninkeedii loo kala tag», Isagoo ku gubaabiyey inay xalka dhexdooda ka raadiyaan iskana dhaafaan inay meel aan dawadoodu jirin u raadshaan, ogaadaana cadowga dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed inay yihiin taliska Itoobiya oo aan rabin qaran cagihiisa ku taagan oo ummada Soomaaliyeed leedahay.

Waxaa xusid mudan dadaallada wanaagsan ee ay wadaan hawl-wadeenada Jaaliyadda S. Ogadeenya ee dalka Noway, oo xaqiiqdii u guntaday siday kaalinkooda uga aadan xoreynta dhulkooda uga qeyb-qaadan lahaayeen una dardar-gelin lahaa halganka loogu jiro xoreynta dhulka sharafta leh ee Ogadeenya.

Sidoo kale, Xubnaha Jaaliyadda Ogadeenya ee Norway ayaa kulamo kala duwan maanta la yeeshay Gudoomiyaha ururka SV, ahna Wasiiradda Wasaaradda Waxbarashada Norway, Marwo Kristin Halvorsen, oo balan-qaaday inay garab u noqon doonto halganka shacabka Ogadeenya ugu jiro xoriyadooda iyo wufuudii Soomaaliyeed ee ka qeyb-galay shirka loogu magac daray Somali Hope, oo caawa fiidkii lagu soo gaba-gabeeyey caasimada Oslo.

Kala soco ONA wararkii ugu dambeeyey oo aan idinku soo gudbin doono wareysiyo maqal iyo muuqaal ah.

ONA\Norway

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay