wararka nagasoogaadhaya wadanka ogadenia gaar ahaan dagmada jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan ayaa sheegaya dhibaatooyin baahsan oo ay ciidanka wayaanahu ugaysteen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada jigjiga iyo nawaaxigeeda. warkan oo aan faahfaahintiisa kahelay xarunta dhexe ee JWXO ayaa uqoraa sidan.

1 ilaa 3 dii bishan aan kujiro ee September waxay ciidanka wayaanahu magaalada jigjiga ku xidh xidheen dad gaadhaya 700 oo qof. dadkan shacabka ah ee xabsiyada jigjiga ladhoobay ayaa laaheegayaa in sababta loo xidh xidhay ay tahay sharci la’aan ay ciidanka gumaysigu sheegeen in aysan wax sharci ah wadanin balse xidhaygan iyo iqaabtan waa mid kamid ah dhibaatooyinkii joogtada ahaa ee shacabka lagu hayn jiray.

dhinaca kale waxay ciidanka wayaanahu jidh-dil iyo burburin hanti isugu dareen dhibane lagumagacaabo maxamad cabdiqaadir oo kamid ah ganacsatada magaalada jigjiga dhibanahan ayuu gacanyare cabdi ilay ka amaahday lacag 250,000 million oo bir oo uu Kusoo burburiyay safarkiisii Maqale. kadib imaatinkii gacanyare cabdi ilay ayuu maxamad cabdiqaadir udoontay lacagtii wuxuuna xaalmarin ugadhigay in uu kudalbado doofaaradiisii Hawaarinta iyagoo fartuu qaadaba jabiyay gurigiisiina burburiyay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay