Wariyaha ONA uga soo warama Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa soo tabinaya
warar kala duwan oo kusaabsan gumaysiga uu gabalkiisii sii dhacayo ee Itoobiya. Warkan oo kusaabsan xasuuq ay ciidanka wayaanuhu ku sameeyeen qaar kamid ah shacabka Itoobiyaanka ah ee ku hoosnool xukunka qalafsan ee wayaanaha.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 6/9/2015 ciidanka wayaanuhu xuduuda Sudan iyo Itoobiya ku laayeen
11 darawal oo kamid ah baabuur layda Itoobiyaanka ah ee wadanka Sudan xamuul ka kala duwan ka keeni jiray.
Darawaladan la xasuuqay ayaa lagu eedeeyay ineey dhanka wadanka Sudan kasoo galiyeen jabhado hubaysan iyo in ay hub iyo qalab ciidan ay soogaliyeen Itoobiya waxaana isku meel qudha lagaga jaray darawaladan Itoobiyaan ka ah oon wax maxkamad ah lahor gaynin.

Ma aha markii ugu horaysay ee xuduuda Sudan iyo Itoobiya lagu laayo dad Itoobiyaan ah oo lagu eedeeyay ineey xidhiidh la leeyihiin mucaaradka kasoo hor jeeda Gumaysiga Wayaanuhu hormuudka uyahay waxaana guud ahaan xuduuda labada wadan kajirta xiisad ay suura galtahay ineey ka qaraxdo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay