Waxaa magaalada Jigjiga lagu gamgamaynayaa horjoogayaasha Hawaarinta ee Gumaysigu u wakiishay xasuuqa shacabka Somalida Ogadenya. Wuxuu Gamgamahu socday mudo 17 bari ah warka ayaa intaas kudaraya inuu jiro kala shakin badan uu udhaxaysa Hawaarinta iyo Saraakiisha Wayaanaha ee ku shaqaysta dhidid dhawrkooda.

Warkan ayaa intaas kudaraya in qaar kamid ah hawaarinta oo lahadlay qaraabadooda ay sheegeen ineey ku jiraan iqaab laxaad leh iyadoo aysan jirin wax cuna ah oo lataaban karo oo lasiiyo Horjoogayaashan dhiiga dhacabka daadiyay inbadan. Horjoogahan hadalkiisa ay heshay xarunta dhexe ee JWXO ayaa intaas kudaray in aysan wax mushaar ah qaadanin mudo 5 bilood ah ayna jirto baahi badan oo soo foodsaartay dhamaan ciidanka Hawaarinta.

Warkan ooy Xaruntu u kuur gashay ayaa tilmaamaya ineey magaalada Jigjiga dawarsi ka bilaabeen qaar kamid ah haweenkii hawaarinta oo waayay waxay ku noolaadan kadib markii laga jaray xaaraantii ay qaadan jireen walow ay jirto boob baahsan oo kadhan ah hantida  shacabka S.ogadenia taasoo sida caadiga ah hantida shacabka laga boobo ay ku dhacdo gacanta xukuumada gumaysiga.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay