Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Sweden iyo maxkamad ku taala wadankaasi ayaa bilaabay dhagaysiga iyo baadhida dacwad ay soo gudbiyeen laba gadbhood oo u dhashay Ogadenya oo kufsi iyo dhibaatooyin kale loogu gaystay Ogadenya intii u dhaxaysay sanadihii 2006 ilaa 2014.

5555Sida uu qoray wargayska kasoo baxa wadankasi Sweden ee EXPRESSEN,labadaas gabdhood ayaa loo gaystay kufsi iyo garaac socday dhowr sano waxaana sidaasi xaqiijisay qareenka labadaas gabdhood Angelica Rigborn oo waraysatay gabdhaaas kadibna dacwada u gudbisay xeer ilaaliyaha guud ee Sweden.

Sidoo kale waxay Abukaate Angelica Rigborn u gudbisay dacwooyinka iyo dhibaatooyinkii gabdhaas lagu soo mariyey Ogadenya Police ka wadanka Sweden si ay wax uga qabtaan cidii gaysatay dambiyadaas caalamiga ah ee loo gaystay dumar aan is difaaci karin waxbana gaysanin.

Xaqiijinta dacwadan oo mudo soo socotay ayaa lagu wadaa in Maxkamada iyo xeer ilaaliyuhu kusoo gabagabeyaan mudo gaaban waxaana lagu wadaa in cida dacwadaas loo haysto lasoo istaajiyo maxkadama si loogu cadeeyo dambiyada dagaal ee uu galay.

4444Qareenka labadaas gabdhood ee dhibanayaasha ah ayaa ku nuuxnuuxsatay in dacwadan ay mari doonto meesha ku haboon sida ugu dagdag badana wax looga qaban doono.

Wargayska EXPRESSEN ayaa warbixintaas uu ka diyaariyey dacwada labadaas gabdhood kusoo gabagabeeyey in Ogadenya ay tahay meel uusan sharci ka shaqaynin,dadka rayidka ah lagu laayo,dumarka lagu kufsado intii la doonana qasab lagu haysto,hantida shacabka la dhaco.

ONA/Sweden

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay