Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa kawarbixinaya tacadiya baahsan ooy ciidanka waraabaha ah ee gumaysiga Itoobiya kagaysteen gobolka Qoraxay ee dhulka Somalida Ogadenia. Tacadiyadan ayaa isugu jira xidhay iyo boob hantiyeed.

Waxaa markay taaikkhdu ahayd 13/9/2015 Degmada Marsin oo Gobolka Qoraxay katirsan uu ciidanka gumaysigu
xidhay iyo jidh dil isugu dareen muwaadin lagu magacaabo Cabdi Bashiir Axmad Taray.

Sidoo kale Isniintii ooy taariikhdu ahayd 14/9/2015 Degmada Shaygoosh oo gobolka Qoraxay katirsan waxay ciidanka cadawgu mooraduug iyo xidhay dad iyo duunyo ah isugu dareen nin oday ah oo 85 jir oo lagu magacaabo Cali Cabdi Daahir ( cali jabaqe ) odaygan iyo qayskiisa oo ka kooban 8 ruux ayaa xabsiga ladhigay waxaana lala
wareegay dhamaan hanti doodii oo ka koobnayd 250 adhi Jar ah ooy ukaxaysteen galbeed si ay u soo gataan iyo 2 xero oo adhi dhaqaal ah ilaa 3 tiro ah ama 300. Sidoo kale waxay birta ka asleen oo ay qasheen 6 geel ah oo dhaqaal iyo gaadiid isugu jiray.

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay