Wararka hor dhac ah oo naga soo gaadhaya magaalada Godey ee Xarunta Gobolka Shabeele ayaa sheegaya in shacab fara badan lagu xidh xidhay magaalada. Warkan oon kahellay dad shacab ah oo kusugan magaalada Godey ayaa intaas raaciyay in xaalad adag ay kajirto magaalada Godey iyo deegaamo hoos tago.

Warkan ayaa sheegaya in dad shacab oo daganaa Qabalaha ama deegaanka lagu magacaabo Caano-Kulul oon magaalada Godey ka fogayn lagu amray ineey iskaga guuraan deegaankii ay daganaayeen taasoo uu Gumaysigu doonayo in lagu wareejiyo dhulkan dad lagu sheegay ineey maalgalin kusamaynayaan oon wali haybtooda lasheegin.

Shacabkii deegaankaas daganaa ayaa arintaas uu Gumaysigu soojeediyay ku gacan saydhay jawaab adag oo diidmo ahna siiyay Gumaysiga taasoo markii dambe lagu dalbaday Maxaysatada Gumaysiga kabaha uqaada ee hawaarinta ineey awood adeegsadaan waxay arkaana jeelka lootaxaabo.

Faah faahinta warkan ayaad kala socon doontaan wararkaanaga dambe haduu ilaahay yiraahdo.

 

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay