Dawlada dhexe ee Soomaaliya ayaa markale soo magacawday safiir kamatala dalka Koonfur Afrka kadib markii safiirkii hore uu geeriyooday sanad ka hor. Safiirkan cusub ayaa lagu magacaabaa Jamaal Maxamed Barraw. 

Mudane Jamaal oo siwayn loogu soo dhaweeyay dalka koonfur Afrika ayaa kulan balaadhan oo soodhawayn ah kula hadlay Umada Soomaaliyeed. Jaaliyada Soomaalida Ogaadenya ee dalka Konfur Africa oo kaqayb gashay kulankan ooy matalayeen wafti uu hor kacayo Hogaanka Abaabulka Jaaliymudada Mudane Daahir Axmed Sulub iyo xubno kale.

Kulankan oo ahaa mid heersare ah ayuu safiirku kasoo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay iyo warbixin guud oo kusaabsan dalka Soomaaliya iyo narxalada uu kusugan yahay maanta.

Safiirka ayaa dhankiisa balan qaaday in soomaalida Koonfur Afrika heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin dalkan ay joogaan waxna laga qaban doono dhibaatooyinka soo gaadha sidoo kale inuu gacan kasiin doono sharciyada oo ah caqabada ugu wayn ee haysata shacabka Soomaaliyeed ee wadanka K. Africa kudhaqan.

M Wali
ONA/K-Afrika

IMG_0199

IMG_0201

IMG_0200

IMG_0198

IMG_0197

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay