Seattle, WA: Ururka OYSU fariciisa Seattle ayaa shalay isugu yimid shir balaadhan oo lagu dooranayey xog’haya cusub ee sutida u qaban doona sannadka soo socda haddii alle idmo. Haddaba waxa si sharaf ah loogu doortay Xog’haya cusub Mudane Faysal Ibrahim.

Mudane Faysal xaqiiqadii waa shakhsi u qalma isla markaana awood iyo karti u leh hoggaaminta ururka, wuxuu gacan weyn ka geystey horumarinta ururka OYSU Seattle oo runtii saameyn weyn ku yeeshay guud ahaanba gobolka Washington dhan bulsho iyo dhan siyaasadeedba. Waxaan leenahay hambalyo Mudane Faysal, ilaahay hakula garab galo masuuliyadda aad qaaday.

Waxaan rajaynaynaa in maamulka cusub noqdo mid talaabo horey u qaada isla markaana guulo badan soo hoya haddii alle idmo.

Abdirahman Hollywood

ONA/ Seattle, WA

Faysal

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay