Xafalad loo sameeyay soo dhawaynta Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faramajo  ayaa lagu qabtay wadanka South Africa gaar ahaan Magaalada Johannesburg .Xafladan  oo si heersare ah loo agaasimay waxaa diyaariyay bulsho  waynta Soomaaliyeed waxaana kasoo qaybgalay dadwayne aad u badan oo ka koobnaa bulshada qaybaheeda kala duwan .Xafaldan waxaad moodaysay ineey ka duwanayd xafladiihii ka horeey ee ummadda Soomaaliyeed ee Jamhuuriyada xorta ah kunool looqaban jiray, waxaana dadka ka muuqday dareen wadaniyadeed oo aad u sareeya.

Mudane Farmaajo waa markii ugu horeysay ee uu wadanka Konfur Africa yimid wuxuuna ka cudurdaartay imaansho la’aantiisa wuxuuna yidhi “ Mudo sadex sano ah waan ka war wareegayay in aan imaado South Africa , waxaan idinka  raaligalinyaa  imaasho la’aanta ,  hadaan ogaanlahaa  inaad sidan tihiin waxaaan imaan lahaa wakhti hore”.

Waxaa goobta kahadlay dadweyn aad u fara badan waxayna sheegeen ineey aad ugu farax sanyihiin imaashaha Mudane Farmaajo waxaana kamid ahaa dadka goobta kahadlay nin kamid ahaa maamulkii, xiligii uu ahaa Ra’iisul wasaaraha dowladii ku meelgaadhka ahayd.  Wuxuu sheegay in Mudane Farmaajo ahaa shaqsi dhalinyarada Soomaaliyeed ee Ciidanka ah Mushahaarkooda Dhufayska ugu gayn jiray . Wuxuu kaloo intaas kudaray in Ciidanka Soomaaliya uu qaato Boqol Dollar laakin kuwa kale siiyo  kun iyo boqol. Waxaa xusuus mudan in Goobtii xafladu kasocotay dadka ay qaadiwayday. Arintaas waxay muujinaysay in dadka ay aad u xiisaynayeen imaanshihiisa iyo lakulanka Mudane Farmaajo.

Dad badan oo goobta yimid ayaa cabirayay dareenkooda waxaad ka dheehan kartaa sida ay u arkayeen  Mudane Farmaajo   inuu yahaya nin qaran waxaana hadaladooda kamid ahaa “ Farmaajo wuxuu kusoo celiyay rajadii ummadda Soomaaliyeed  mudo lixbilood ah iyo  Maxamed C/llahi waa Wadaxwaynaha Soomaaliya”  Waxaa arintaas sii xoojiyay Mudane Farmaajo oo kudaray “ Waxaad noqotaan Qaran Qaran , qabiilkii wuu dhamaaday “  isagoo hadalkiisiisa sii watay wuxuu kudaray “ Soomaaalidu waa dad  fiican waxay u baahan yihiinn waa Hogaan wanaagsan oo daacad ah“ . Sidoo kale wuxuu yidhi “ Markaan inagu isku duubannahay waxaan la tartarmi karnaa dowladaha Jaarkeena ah sida Ethiopia iyo Kenya

Waxaa kaloo goobta ka hadlay Safiirka Soomaaliya Danjire Jamal Barrow  oo isaga laftiisu wadanka kucusub ayaa khudbad kooban ka jeediyay goobtii wuxuu ku dheeraaday ganacsiga Soomaalida ku leedahay wadanka Koonfur Africa wuxuuna uga digay ineey iska ilaaliyaan ka iibinta ganacsigooda dadka shisheeyaha ah eey ka iibinayaan . Arinta uu Safiirku ka shanqadhiyay waa arin kajirta South Africa waxaana Soomaalida ganacsigooda weerar ku ah Ethiopian ka oo aan inta badan lahayn xirfad samaynta ganacsiga dukaamada yar yar ayaa Soomaalida kagata markaa ganacsigu meel fiican ay soo gaadhsiiyan.

Gabo gagabadii  waxaa dadka meesha isagu yimid kawada hadleen  in Mudane Farmaajo uqalmo inuu noqdo Madaxwaynaha Soomaalia haseyeeshe isaga lagama hayo waxaan u tartamayaa Doorashada 2016 .Mar uu arintaas kahadlayay wuxuu yidhi “ Anigu waxaa igu filan karamayntiina laakin wali banaanka isma keenin” .

Si kastaba ha ahaate waxaa jirta rabitaan ka Qaranka Soomaliyeed oo kamadax banaan gacan shisheeye .

 

Colhaye  / South Africa

Farmjo

12006304_1178305942186776_546917702677598861_n

11227866_1178305922186778_1523700806221034245_n

Farma

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay