Laba Dagaal oo Gobolka Doollo Ku Dhexmaray Ciidanka ONLF & Kuwa Gumaysiga.
Wararka aan ka helayno Gobolka Doollo ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dagaalo ciidanka gumaysiga lagu edbiyay oo cashiro lama ilaawaan ah loogu dhigay. Warkan ayaan ka hellay Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA uga soo warama Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.
Markay taariihdu ahayd 16/9/2015 Tuulo Qadhawe oo Dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo katirsan dagaal culus oo CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhexmaray waxaa ciidanka nacabka lagaga dilay 7 askari 8 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale maalinimadii isniinta ahayd ooy taariikhduna ku beegnayd 18/9/2015 Qabridardar oo dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo katirsan dagaal aad u culus oo ciidanka xooga dalka ogadenia iyo kuwa
gumaysiga Itoobiya ku dhex maray waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh oon faah faahintiisa wali nasoo gaadhin.
ONA / Ogadenya
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.