Wararka naga soogaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya JWXO ayaa sheegaya dagaalo aad u culus oo Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya CWXO iyo kuwa wayaanaha ku dhexmaray meelo kala duwan oo Ogadenia kamid ah. Dagaaladan oo ka dhacay Gobolada Qoraxay, Nogob iyo Jarar ayaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan waxayna u dhaceen sidan.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 15/9/2015 Jaamac-dalab oo Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ee wakhtigoodii dhamaaday ku dexmaray ayaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay inta lahubsaday 6 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale maalinimadii Khamiista ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 17/9/2015 Dayr oo Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar katirsan weerar gaadmo ah ooy CWXO ku qaadeen ciidanka wayaanaha oo halkaas kusugnaa waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
Dhanka kale 18/9/2015 Halgari oo dagmada Garbo ee Gobolka Nogob katirsan kamiin ay Ciidanka xooga dalka Ogadenia kaxidheen waxay ku holciyeen 2 baabuur oo ciidan aad u badan waday waxaana goobta ku dhalaalay baabuurtii iyo wixii saaraa oo idil.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay