Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhay Gobolka Shabeelle ee wadanka ogadenia ayaa sheegaya dagaalo laxaad leh oo ciidanka wayaanaha khasaare culus lagu gaadhsiiyay ineey ka dheceen meelo kala duwan oo gobolkaas kamid ah. Warkan ayaa waxaa nasoo gaadhsiiyay Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA uga soo warama  Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa ka warbixinaya dhacdooyinkii ugu dabbeeyay ee gobolkaas kadhacay.

Maalinimadii Axada ahayd ooy taariikhdu ku beegnayd 20/9/2015 waxaa duleedka Tuulada Abaaqorow oo Dagmada Iimay-Bari katirsan ee Gobolka Shabeele kamiin ay CWXO ka xidheen ku holciyeen 1 baabuur ooy saaraayeen ciiidan aad u badan oo kuwa wayaanaha ah waxaana ku halaagsamay dhamaan ciidankii baabuurka saaraa oo idil.

Sidoo kale isla taariikhdan 20/9/15 ayaa meesha lagu magacaabo Gudhis oo dagmada Iimay-Bari katirsan weerar ay cutub katirsan ciidanka qalabka sida ee xoraynta Ogadenia ku qaadeen ciidamada gumaysiga Itoobiya oo halkaas ku sugnaa waxaa lagu gaadhsiiyay khasaare aad u badan oon wali lasoo faah faahinin.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay