Wararka naga soogaadhaya Gobolka Jarar ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya 2 baabuur ooy ciidanka wayaanuhu wateen oo ku gadoomay gobolka Jarar. Warkan oo aan kahelay Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya JWXO ayaa faah faahin ka bixinaya khasaaraha soo gaadhay ciidanka wayaanaha iyo dad shacab ah
oo ciidanka gumaysigu soo qafaasheen oo iyaguna halkaas dhimasho iyo dhaawacba kasoo gaadhay. Warkan aan saraakiisha xarunta kahelay ayaa sheegaya ineey halaagsameen ciidanka cadawgu.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 20/9/2015 Dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar ku gadoomay
baabuur Uuraal ah ooy wateen ciidanka wayaanuhu waxaana ku bakhtiday 10 askari inkabada 20 askarina way ku dhaawacmeen.

Dhanka kale waxaa maalinimadii Axada ahayd taariikhduna ku beegnayd 20/9/2015 Dagmada Gunagado ee Gobolka Jarar ku gadoomay baabuur ay ciidanka wayaanuhu ku soo qafaasheen dad shacab ah ooy xabsi uwadeen
waxaana goobta ku naf waayay 9 askari oo kamid ah ciidanka wayaanaha iyo 6 shacab ah waxaa kaloo dhaawacyo kala duwan soogaadheen 20 askari.

 

ONA / Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay