Wariyaha wakaalada wararka ee ogadeniya ayaa noo sheegay in waxa loogu yeedho maamulada Heer-dagmo ilaa heer  Gobol in laga qaaday xil beenaadkii ay ku magacawnaayeen iyadoo meeshoodii lagu badalay Maleeshiyaadka Hawaarinta.
Waxaa sidoo kale laga xanyuubiyay xilkii ay hayeen dhamaan Policekii hore iyadoo lagu badalay isla kooxda hawaarinta, warbixinta ayaa intaa kudaraysa in qaar badan xabsiga loo taxaabay sidoo kale xilka qaadistan ayaa lagu sameeyay koox wasiiro kusheeg ah ma’ahan oo kaliya dadka xilka laga qaaday ee waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday shaqaale hoosaad tiro ahaan naloogu sheegay ilaa iyo 700 oo qof, waxaana baxsiga loo taxaabay 120 kamid ah dadkaasi.
 Dhanka kale kooxda Hawaarinta ayaa laysugu geeyay Hadhaawe, lamana cadayn sababta meeshaas loogu Uruuriyay, Halka horjoogayaashii lagu xareeyay magaalada Jigjiga waxaana gacanta kuhayo ciidamada milatariga gumaysiga Ethiopia. Waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay waxa loogu yeedho Comeshineerkii kililka Dayib waxaana lagu badalay nin lagu magacaabo Abdi Fataax Maxamed  waxaana ku xigeen looga dhigay Cali Ibraahin Abdi nin lagu sheegay.Waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay Comeshineerkii Gobolka shiniile Yuusuf Jalaale
Waxaa iyana xilkii laga qaaday xabsina loo taxaabay Abdirashiid cadaawo iyo  Madixii gobolka doolo Maxamed Axmed waxayna kamid ahaayeen dadka dhibaatada ba’an kuhaya shacabka Ogadeniya.
Dhanka kale waxaa kadhacay magaalada Jigjiga arin ku cusub guud ahaan umada soomaaliyeed waxayna kooxda hawaarintu kula kaceen muwaadin lagu magacaabo Abulaahi Axmed Makaahiil 19kii bishan in xiniinyihii iyo xubintii taranka ay suuqa badhtankiisa kaga gooyaan kadibna ay dhahaan lama gaynkaro wax dhakhtar ah.
Isku soo wada xaadhoo guud ahaan waxa loogu yeedho maamulka kililka ayaad moodaa in uu qaaday wadadii burburka ee uu gumaysiga Ethiopia jeexay.
ONA
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay