Waxaan maqaala hore kusoo sheegnay inay Itobiya oo dameer farda la daaq ahayd aamintay wax aanay ahayn. Arintaasi waxay dhaxalsiisay Itobiya in maamulkii kolba xukunka qabta dhibaatada soo wajahda intuu xal waara u raadin lahaa uu Is-diidsiiyo, ka dibna xanuun baabi’ye ku daweeyo cudurka haya. Arintaa ayaan in badan weydiiyay odayayaal aqoon fiican leh oo qawmiyada Amxaarada u dhashay oon sheeka wadaag yeelanay. Waxaan ku odhan jiray; Maxay tahay sababta midkii xukunka Itobiya qabsada in lagu dilo ama laga eryo mooyaane aanu sikale uga tagin?”

Odayaasha oo sida la ogsoonyahay ah mutxafka (kaydinta) shucuubta lagana dheehdo isla weynida umadaasi, markaad doonayso odayaasha Amxaarada inay kuu godladaan waa inaad ku amaanto taariikhda fog ee Itobiya ay leedahay, ood tidhaahdo idinkaa taariikhdaa lahaa, waxaadna tihiin qawmiyad taariikh fog leh oo quroomo jiray oo waad ka sareysaan Afrikaanka kale. Midwalba isagoo dhoola cadaynaya oo ilko sigaar iyo huuro diloodeen muujinaya ayuu kugu odhan;

tplf-police“Waa runtaa .. Itobiya waxaa la rabay inay maanta noqoto dawlad horumarsan oo la siman Ingriiska iyo Jarmalka.. laakiin waxaa la hadhay xukuumado macangag ah oo magacyo kala duwan sita.” Itobiya waxay dhaqan u lahayd waligeed xukun ku dhisan kala sareyn iyo cadaalad darro. Waxaa ka mid ahaa hadalada odayaashaa, kolba kooxdii xukunka qabsata ha ahaado Boqor iyo Negus-yadiisa (xaashiyadiisa) ama Xisbi iyo Maleesiyadiisa, waxay ku dadaalaan in aanay cid kale soo holinin xukunka. Kooxdii ku kacda waa inay soo dagaalamaan oy adkaadaan ama laga adkaado.

Hadaan hordhacaa yarka ah ka gudubno, kooxda hadda xukunka Itobiya la wareegtay oon u naqaano Wayaane (Woyane), wuxuu dhaq-dhaqaaqooda bilowday 1943kii kolkaasoo ay diideen isbadalo uu boqor Xayle Salaase ku sameeyay gobolada, waxayna hal-kudhig u qaateen; Dawlad ma jirto, sidaa darteed aan is-habayno oon anaga is-xukuno (“there is no government; let’s organize and govern ourselves.” ). Guddiyo ayay samaysteen, ka dibna shirweyne (shengo) ayay isugu yimaadeen waxayna hogaamiye u doorteen Yeebio Woldai. Muddo gaaban gudaheed ayay ku qabsadeen magaalooyinkii muhiimka ahaa gobolka Tigree oo Maqale ay ku jirto. Ka dib waxay soo saareen bayaan ka kooban 5an qodob in loo fuliyo;

  • Inay yeeshaan is-maamul madaxbanaan iyagoo ka mid ah calanka iyo midnimada Itobiya.
  • In Xeer dhaqameedka Tigree uu noqdo sharciga gobolka.
  • Inay doortaan madaxdooda iyadoo aanay soo faragalinin ree Shoa.
  • In la baabi’yo tuugada iyo shuftada.
  • In la joojiyo canshuurta xad-dhaafka ah iyo gunada uu qaadanayo kuwa uu boqorka soo cayimo.

Haday xukuumadihii ka talinayay Itobiya waayadaa u ogolaan lahaayeen shacabka Itobiya qodobadan, waxaa hubaal ah inay taariikhda Itobiya wada kale qabsan lahayd, dhiig badanna uusan ku daateen sidii loo ridi lahaa xukuumadahaa. Hadaan soo koobno taariikhda (qofkii doono hasii baadho) kacdoonkii Wayaanaha markuu jabiyay ciidamadii fadhiyay gobolka Tigree ayuu Boqor Xayle Salaase gargaar u dirsaday boqortooyadii Ingriiska oo usoo gurmatay. Haile SelaseCiidankii boqor Xayle Salaase iyo kuwii Ingriiska oo wada socda markii dagaalo badan lagu jabiyay ayuu Ingriiskii kusoo kiciyay ciidankiisii cirka (RAF) oo dayaarado lagu duqeeyay magaalooyinkii ay Wayaanaha qabsadeen, sidaa ayaana lagu jabiyay kacdoonkii Wayaanaha 1948kii. Ka dib, wuxuu boqor Xayle Salaase usoo magacaabay nin amxaar ah oo la yidhaahdo Abebe Aregai oo shacabkii Tigreega u gumaaday si naxariisdara ah.

mengistu1aWayaanaha (Tigree) kacdoon ay sameeyaan waxaa ugu xigay midkii bilowday 80-aadkii, iyagoo ku dagaalamaya magaca TPLF. Kornayl Mingistu oo xukunka haystay ayaa sidoo kale ku qaaday dagaal aanu waxba ula hadhin oo uu dab qabadsiiyay dhamaan tuulooyinkii iyo beerihii shacabka Tigree.

Taariikhdaa yar waxaan u xusnay in la fahmo caqliyadda 2da qawmiyadood ee ku hardama lahaanshaha Itobiya ee kala ah Amxaarada iyo Tigreega. Sida taariikhdaa ka muuqata waxay ka midaysan yihiin in aanay lahayn caqli ay ku maareyn karaan gadoodka shucuubta markay ka horyimaadaan xukunkooda. Hadday Amxaarada muddo 50sano ah la dagaalamayeen kacdoonka Wayaanaha (Tigree) oo sidaad ku soo marteen qoraalka codsanayay 5an qodob oo ah cadaalad iyo inay u madax banaanaadaan maamulkooda hoose, waxay maanta isla Wayaanihii soo maray dhibaatadaa, la dagaalamayaan dhamaan Qawmiyadaha kala duwan ee Itobiya oo ka dalbanaya inay fuliyaan ballantay qaadeen markii xukunka la qabsadey Mingesto 1991kii – Cahdigii ku meel gaadhka (the Transitional Charter), oy ku dhaqmaan dastuurka ay leeyihiin waa sharciga ugu sareeya dalka.

Haduu Xayle Salaase iyo Mingesto ku tilmaami jireen Wayaanaha iyo TPLF-ba inay yihiin shufto argagixisa ah oo in la tirtiro mooyaane aan lala hadli karin, waxay maanta isla Wayaanihii (TPLF) qaanuun ka dhigeen in ururada kala ah G7, ONLF, OLF ay yihiin argagixiso oo aan lala hadli karin, wax laga qori karin, lala sheekeysan karin. Taasoo macnaheedu yahay in ka badan 80% shacabka ku nool khaaridada Itobiya in loo aqoonsado argagixiso, inta iyaga la socota mooyaane. Waa caqliga Itobiya.

Hadday arintu sidaa noqotay, miyaanay xaq u lahayn inay dagaalamaan shucuubta Amxaarada, Somalida Ogadenya iyo Oromada? Haddiise maanta ay TPLF xoog is-bidayso, siduu isu-bidayay Xayle Salaaase 1930 – 1974, ama isu-bidayay Mengisto 1974 – 1991, Miyaanay Taariikhda Itobiya Wax Inoo Ifinin.

Noora Afgaab/Jigjiga

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay