Hay’ada daryeelka agoonta ee Bariga Africa ayaa ciidan barakaysan ee Ciidul-Adxaa u ciidaysay danyar iyo agoon fara badan oo ku dhaqan xeryaha Ifo iyo Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab. Hay’ada ayaa dadka kaga farxisay adhi
ay ugu talagashay ciida barakaysan ee Ciidul-Adxaa.

Deeqda Adhiga ah ee loogu talagalay danyarta iyo agoonta ku dhaqan xeryaha Qoxootiga ee Dhadhaab waxaa hay’adan usoo wakiishay Ururka sama falka ee Ogaden Relief Association in Garmany. Ururkan samafalka ah ee fadhiguusu wadanka Garmany yahay ee bulshada ree Ogadenia qaar kamid ah ay aas’aaseen ayaa u taagan caawinta iyo ka farxinta bulshada Somaalida Ogadenia iyo Somaali waynba waxayna sifiican ugu ciideeyeen ciida barakaysan ee Ciidul-Adxaa.

Mas’uuliyiinta Hay’ada Horn Of Africa Orphan Relief Organisation oo kaalmadan Ciidul-Adxada loogu talagalay lagudoonsiiyay ayaa qoysas badan oo ku dhaqan xeryaha qoxootiga sifiican uga farxiyay iyagoo neefkasta guriga hortiisa ku biraynayay. Waxaana sifiican ugu ciida qaysas badan oo kamid ah danyarta iyo agoonta ku dhaqan xeryaha Dhadhaab.

ONA Dhadhaab.

20150923_160648

20150923_162645

20150923_160622

20150923_160525

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay