Xubnaha Jaaliyadda Somalida Ogaadeenya ee dalka Konfur Africa ayaa maanta waxay isugu yimaadeen kulan isugu jiray Cun oo waaci, Qur’aan akhris iyo dabaaldaga Ciida barakaysan ee Ciidul-Adxa. Kulankan oo ka duwaanaa kulamadii hore ee Jaaliyadda Konfur Africa ay qaban jirtay ayaa ku soo beegmay maalinta Ciidul-Adxa.

Ujeedada kulankan waxay ahayd in xubnaha Jaaliyadda ee xarunta abaabulkooda kor loogu qaado iyadoo dhinaca kale lagu akhriyay lagu dhameeyay Qur’aanka Kariimka ah.

Kulanka waxaa dhinca khadka telephone-ka kaga soo qayb galay Gudoomiya Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Naftihure Admiral Mohamed Cumar Cismaan  oo  si waafi ah uga warbxiyay  xaalada halganka Ogaadeenya iyo howsha la gudboon shacabka Ogaadeenya.

Isagoo arintaas ka hadlayay Gudoomiyuhu wuxuu yidhi “ Gumaysiga Ogaadeenya wuxuu dhibaato xoog leh uu ku hayaa shacabka  wuxuu gaadhay heer uu raga ka jaro xubintii taranka kadib uu u diido in dhakhtar lageeyo “  wuxuu shacabka dulman gudoomiyuhu ku booriyay ineey ka dhiidhiiyaan dhibka joogtada ah ee lagu hayo.

Waxaa kaloo intaas dheerday in lagu dhisay kulankan ururada bulshada sida ururka Haweenka Ogaadeen(UHO) ya iyo Ururka  Dhalinyarda iyo Ardayda Ogaadeenya (OYSU) .

Waxaa lagu soo gabagabeeyay uruurinta afkaarta iyo talooyinka xubnaha Jaaliyada oo door muhiim ah ka qaadatay  maaraynta iyo qorshaynta hawlaha halganka . Kulankan oo ahaa mid aan horey looga baranin in habkan oo kale  loo soo diyaariyo ayaa xubnaha jaaliyaddu aad ugu riyaaqeen.

ONA/Koonfur Africa

SAM_1666

SAM_1660

SAM_1658

SAM_1655

SAM_1653

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay