Gudoomiyaha Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Jaaliyaadka ahna Afhayeenka Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO) N/hure C/qaadir Xasan Hirmoogen (Cadaani) ayaa mudo bil ah wuxuu ku sugnaa dalka Canada isagoo halkaa u joogay hawlo shaqo.
Wuxuu socdaalkiisan kula kulmay Gudoomiyuhu dhamaan Jaaliyadaha Somaalida Ogaadeeniya ee ka hawlgala wadanka Canada. Wuxuu ka qaybgalay oo kale xuskii sanadguuradii 31aad ee aas aaska JWXO oo lagu qabtay magaalada Toronto iyo magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta.
    Sidoo kale wuxuu N/hure Cadaani Hirmooge shirar gooni gooni ah laqaatay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somalida Ogadenya isagoo sigaar ah ula kulmay aqoonyahanada iyo wax garadka Somaalida Ogaadeeniya ee ku dhaqan wadanka Canada sida Ururka Haweenka Ogadenya (UHO), Ururka Dhalinyarada & Ardayda Somalida Ogadenya ee (OYSU) iyagoo arimo badan oo wax ku’ool ah kawada hadlay iskuna afgartay qodobadii laga wada hadlay.
Dhanka kale wuxuu gudoomiyuhu siiyey hawlwadeenada kala duwan ee ka hawlgala Jaaliyadaha Canada siminaaro kor loogu qaadayo wacyigooda  ku’aadan dhinaca Abaabulka  iyo bisaylka kaadirka. Cashiradii uu lawadaagay Naftihure Cadaani Hirmooge kaadirka JWXO ayaa aad looga faa’iidaystay siminaaradan oo aad u badnaa waxaa kaloo halkaa siminaaro Arimaha Bulshada ku saabsanaa ka bixiyey DR. Maxamuud Ugaas.
 Isku soo wada duuboo socdaalkii Gudoomiyaha HAAJ N/hure Cadaani uu kuyimid dalka Canada wuxuu kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad, wuxuuna maanta N/hure Cadaani usoo ambabaxay wadanka Australia oo uu dagan yahay loona rajaynayo inuu nabad kutago.
C/raxmaan
Canada
cana8
cana7
cana6
cana4
cana3
cana1

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay