Wararka naga soo gaadhaya wadanka ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo muwaadiniin ree Ogadenia ah loogu gaystay dagmooyinka Jigjiga iyo Birqod waxayna tacadiyadan udhaceen sidan soosocota.
Waxaa markay taariikhdu ahayd 19/9/2015 magaalada Jigjiga ciidanka bahalka ah ee gumaysigu si fool xun oo
bahalnimo ah ula dhaqmeen muwaadin kamid ah dadka gumaysiga ku hoos jira ee S.Ogadenia muwaadinkan oo lagu magacaabo Cabdulaahi Axmad Makaahiil waxay ciidanka wayaanuhu kajareen xubinkii taranka waxay
sabab uga dhigeena majiro. Falkan cadawnimada iyo waxshi nimada ah ee loogaystay muwaadinkan kamid ah aqoonyahanada bulshada ree ogadenia ayaa dadka shacabka ah ku riday walwal iyo amakaag aad ubadan.

Dhanka kale war dhiilo leh oon kahelayno magaalada Birqod ayaa sheegaya gabdho 15 ah iyo 15 ciyaal ah ooy dhaleen gabdhuhu oo horaan ugu xidhnaa dagmada Birqod in ciqaabtii aduunka ay kujiraan. Dadka deegaanka ayaa sheegaya ineey habeenkasta maqlayaan dhawaaqa gabdhahan oo habeen kaste lagaraacayo majirto wax sabab ah ooy gabdhahan u ciqaaban yihiin iyo wax maxkamad ah oo lasootaagay toona.

 Waxaa kaloo markay taariikhdu ahayd 20/9/2015 Magaalada Birqod lagu xidhay dadka kala ah
1) Qorane Gaas
2) Daahir Sheekh Xuseen
3) Falxado Maxamad Sh Xuseen
4) Maxamuud Mahad Saxardiid
5) Rashiid Cabdi Dayl
6) Caasha Maxamad.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay