Iskudayga cadawgu waxay marwalba ka sii cadhaysiisaa, wadaniga JWXO ee xalaasha ah, waxayna mugdi iyo iimaan la’aan ku siiridaa kuwa aamina ama raaca cadawga ee wax walba ku raali galiya gumaysiga madow ee Tigreega.

Halganka Ogadeniya kasocda waa cibaado ka qayb galkiisuna waa waajib lakiin xaqiiq waxaa ah in qofkii ilaahay fahansiiyo xaqa ee nasiibleh uun la waafajiyo, jihaadka Ogadeniya, xasuusashada mujaahidiinta ushihiiday qadiyada Jwxo, waxay guul u tahay umada Ogadeniya, taariikhda halgankana waxay ka galeen baal dahab ah.

Waxayna ku suntanaanayaan laabta qof kastoo wadani dhab ah, waxaa kaloo ay dhiiri galin iyo tacliin u noqonaysaa da,a yarta u dhalatay dhulka Somalida Ogadeeniya oo hirasho iyo dadaal dheeri ah kasii qaadi geerida shuhadada JWXO, hanka iyo himilada shacabka Ogadeniya waa xornimo taam ah, guushuna waxay ku jirtaa gacanta Alle iyo dadaalka wadaniga daacada ah ee jecel xornimada Ogadeniya.

Halganka shacabka Ogaadeeniya wuxuu soo maray dhibaatooyin fara badan oo kaga imaanayay dhinacyo badan, wakhtigan aynu joognana xoogag badan ayaa isku dayaya sidii halganka shacabka Ogaadeeniya loo wiiqi lahaa,
waxaana kamid ah ururka ka dagaalama gudaha soomaaliya, guud ahaan waa wakhti ay duruufo kala gadisani jiraan, waana ineey madaxda ururku dajiyaan qorshe cusub oo cilmiyaysan iyo khad siyaasadeed oo lagu xaliyo mashaakilada jira lagagana hortago wixii halganka dhibaatooyin u keeni kara, waxaan dhamaan umada Ogadeniya kula dardaarmayaa ineey badiyaan taqwada iyo Alle kacabsiga, kuna dadaalaan midnimadooda ooy ka runsheegaan jihaadka xaqa ah ee kasocda ogadeniya.Waxaan Alle ka baryayaa inuu inaga qabto cadawgeena iyo cadaw kalkaalkeena iyo Ogadeniya oo xora idamka Alle.

OGADENIYA GUUL IYO GOBONIMO INSHA ALLAAH

W/Q Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Libanmiyir@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay