Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Nogob ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dagaal culus oo Ciidaka Wadaniga Xoraynta Ogadenya CWXO iyo ciidanka niyada jabsan ee Gumaysigu sookhalday ku dhexmaray deegaanka cayuun. Waxaa dagaalkan dharbaaxo culus lagu gaadhsiiyay ciidankii wayaanaha.

Warkan oon  kahelay Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya uga soo warama Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya JWXO ayaa tibaaxaya inuu ahaa dagaalkani mid aad u culus oo ciidankii cadawgu loogu awood sheegtay.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 20/9/2015 deegaanka lagu magacaabo Cayuun oo dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan dagaal culus oo Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa wayaanaha ku dhexmaray ayaa ciidanka gumaysiga lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh oon wali faah faahintiisa lahaynin.

Wararkaanaga dambe yaan idiinu soo gudbin doonaa haduu ilaahay yiraahdo faah faahinta dagaalka.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay