Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawlada Federalka Somaliya Dr. Jawaari ayaa shaaca kaqaaday in la soo gaba gabeeyay jiritaanka Mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxwayne Xasan Sheekh laga keenay bishii hore ee lasoo dhaafay, isla markaana loo gudbay marxalad wada-hadal.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inuu hubiyay in aysan jirin tuhunka mooshinka lagu xusay ee ahaa khiyaamo qaran ee ku xusan qodobka 184 ee xeerka ciqaabeedka qaranka Somaliya, isla markaana loo gudbayo wada-hadal lagu xalinayo arrimaha cabashooyinka ee mooshinka ku xusan.

Dr. Jawaari ayaa sheegay in bisha soo socota ee October laqaban doono kulan ay ka wada qeybgali doonaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo arrimahan looga hadli doono haduu ilaahay yiraahdo. Waxaa kaloo baaq loo dirayaa ineey dhamaan dhinacyadii ay arintani kasoo qaybgalaan kulankan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay