Xukuumada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa amar  ku bixisay in baadhitaan buuxa lagu sameeyo kadib masiibadii ka dhacday Xaramka taasoo ay  ku dhinteen 769  Xaaji  iyadoo ay ku dhaawacmeen  934  Xaaji.

Amiirka Boqortooyada Sacuudiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Al-Amiir  Maxamed Bin Nayef  oo shir gudoominayay kulan ay  yeesheen guddiga Arimaha Xajka gaar ahaan kuwa Mina qaabilsan ayaa amray  baadhitaan lagu sameeyo wixii sababay isbuurashadii ka dhacday Xajka. Wakaalada Wararka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in natiijooyinka kasoo baxa baadhitaanka loo gudbin doono Boqor Salmaan oo ka qaadi doona talaabooyinka ugu haboon wixii  jawaab ah ee  kasoo baxa.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuud Carabiya ayaa  sheegtay  in isbuurashada Xujayda ee ka dhacday Xajka uu  sababay laba hir ama mawjadood oo Xujay ah kuwaasoo ku kulmay meel isgoys ah taasoo aan loogu talo galin ineey iska hor imaadaan. Afhayeenka  Wasaarada Arimaha guddaha Jeneral  Mansour al-Turki  ayaa isna shaaca ka qaaday in heer kulka oo aad u sareeyay iyo daal badan  ineey qayb ka ahaayeen waxa sababay masiibada ka dhacday Xajka.

Waxaa xusid mudan ineey ahayd dhimashadii ugu badnayd  ee soo marta Xujayda muslimiinta caalamka ee gudanaysa Xajka 25 sanee lasoo dhaafay.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay