Wararka naga soogaadhaya wadanka ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa sheegaya dagaalo ciidanka cadawga lagu xasuuqay oo kadhacay Gobollada Shabeelle iyo Doollo ee dhulka Ogadenia.

Warkan oo uu nasoo gaadhsiiyay wariyaha Xarunta Dhexe ee JWXO uga soo warama wakaalada ONA ayaa tilmaamaya in ay N/hurayaasha qalabka sida ee utaagan xoraynta dhulka Ogadenia ciidanka wayaanaha gaadhsiiyeen dharbaaxooyin xun xun oo aysan kasoo waaqsan karin wuxuuna warku uqoraa sidan.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 23/9/2015 Qabri’amaadin oo Gobolka Doollo katirsan dagaal culus oo CWXO
iyo kuwa gumaysiga ku dhexmaray ayaa ciidanka cadawga lagaga dilay 6 askari 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dhanka kale 23/9/2015 Hodanwayne oo Dagmada Iimaybari ee Gobolka Shabeelle katirsan dagaal aad u culus oo Ciidanka Xoraynta Ogadenia iyo maxaysatada uu gumaysigu soo lugooyay ku dhexmaray waxaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare aan wali lasoo faah faahinin.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay