Wararka aan ka hellay Gobolka Jarar ee wadanka Ogadenia ayaa tibaaxaya tacadiyo kala duwan ooy ciidanka wayaanuhu ugaysteen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsanin ee ku hoosnool xukunka macangaga ah ee
wayaanaha. Warkan ayaa waxaa nasoo gaadhsiiyay Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ONA  oo nooga soo warama Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya JWXO.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 22/9/2015 meesha Dayr lagu magacaabo oo Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar katirsan uu ciidanka bahalka ah ee gumaysigu ku dileen Allaha Unaxariisteen muwaadin lagu magacaabi jiray Kayse oonaan magaciisa oo buuxa wali helin balse aan kudaba jirro sidii aan kuheli lahayn.

Dhinaca kale wararka naga soogaadhaya Dagmada Birqod ee Gobolka Jarar ayaa sheegaya in dadka shacabka ah ee Birqod kuxidhan ay kor u dhaafayaan 200 oo qof dadkan ayaa lagu soo waramayaa in loogaysto ciqaab aduun habeen kastana lagu sameeyo jidh dil joogta ah. Dadkan waxaa jidh dilka iyo iqaabta ugaystay ninka lagu magacaabo Guduudane oo kamid ah maxaysatada Gumaysigu u wakiishay gumaadka iyo ciqaabta shacabka S.Ogadenya.

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay