Waxaa markay taariikhdu ahayd 26/9/2015 magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyada Sacuudi Carabiya lagu qabtay xaflad balaadhan ooy soo qaban qaabisay Jaaliyada Oromiya ee ku dhaqan wadanka Sacuudiga. Munaasabadan oo ujedada ugu wayn ee loosoo agaasimay ay ahayd ineey shacabka Oromiya ku muujiyaan dareenkooda ku aadan dhibaatooyinka aan kala joogsiga lahayn ee Gumaysiga Itoobiya uu kuhayo shacabka dulman ee Oromiya.

Xafladan oo si rasmi ah loogu martiqaaday Jaaliyada Somalida Ogadenya ee ka hawlgasha magaalada Riyaad ayaa waxaa kamid ahaa masuuliintii kahadashay Hogaanka Abaabulka ee Jaaliyada Somalida Ogadenya ee Riyaad Mudane Maxamad Cabdulahi. Wuxuu Mudanuhu madasha xafladu kasocotay kasoo jeediyay khudbad aad uqiima badan oo kusaabsan dhibaatada shacabka Somalida Ogadenya haysata ooy kala mid yihiin walaalahooda Oromiya dhibka uu Gumaysigu kuhayo.

Dhanka kale waxaa kahadlay xafladan Masuuliinka kamid ah ururada OLF & ONLF oo dhamaantood sheegay sida ay waajib utahay in iskaashiga iyo wada shaqaynta shacuubta Ogadenya & Oromiya laxoojiyo si dhibaatooyinka Wayaanuhu labada shacab uu kuhayo looga hortagi lahaa.

 

ONA / Sacudi Carabiya

 

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay