Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Doollo ee wadanka Ogadenia ayaa tibaaxaya tacadiyo baahsan ooy ciidanka wayaanuhu u gaysteen dadka shacabka ah ee ku dhaqan tuulada Caado ee Gobolka Doollo. Warkan oo uu nasoo gaadhsiiyay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA uga soo warama Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Waxaa markay taariikhdu ahayd 20/9/2015 deegaanka Caado oo Dagmada Danood ee Gobolka Doollo katirsan ay
ciidanka cabudhisku ku xidh xidheen dad aad u badan. Dadka la xidh xidhay qaar kamid ah ayaan magacyadooda hellay. Waxayna kala yihiin sidan soosocota.
1) Xali Cabdi Saalax
2) Abshir Macalim Mukhtaar

Dhanka kale dagmada Garbo ee Gobolka Nogob ayaa sheegaya in ay ciidanka wayaanuhu halkaas ka qafaasheen 16 qof ooy ku xidheen magaalada Birqod oo hada noqotay goob dadka shacabka ah si wayn loogu ciqaabo. Waxaana magacyadooda hellay kuwan soosocda.

1) Maxamuud Cilmooge Faarax
2) Xaliimo Shugri
3) Tufaax Maxamuud Cilmooge
4) Fardowsa Maxamuud Cilmooge
5) Maxamad Xassan Cilmooge
6) Faadumo Danab iyo laba gabdhood oo ay dhashay oo kala ah Sareeya Cabdulahi Cilmooge iyo Tufaax cabdulahi cilmooge.

ONA/ Ogadenya
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay