9 xisbi oo aan isku mabda ahayn laakiin  oo u wada ol-oleeya gooni isu taaga  gobolka Catalonia ee wadanka Spain ayaa  ku gulaystay aqalabiyada doorashada  gobolkaas taas oo soo dhawaynaysa  in ay ka xoroobaan wadanka Spain noqdaana dowlad madax banaan.

Gobolka Catalonia ee ka tirsan wadanka Spain ayaa muddo  usoo halgamayay gooni isutaag iyo inay noqdaan dowlad xor ah oo ka madax banaan wadanka Spain.Axadii la soo dhaafay ayaa dorashadii  laga qaaday shacbiga ku nool gobolkaasi waxayna si aqlabiyad ah u doorteen  xisbiyada doonaya in ay ka xoroobaan wadanka Spain.

Xisbiyada u ol-oleeya goitaanka gobolka Catalonia ayaa xubin buuxa ka ah ururka caalamiga ah ee u dooda dadyowga aan  dowlad lahayn UNPO oo ay JWXO xubin buuxa ka tahay kana hayso jagada labaad ee ugu saraysa ururkaasi oo xoghayaha arrimaha dibada  JWXO mudane  Cabdiraxmaan Maadey uu ka yahay kuxigeen.

Dowladaha gumaysta shucuubta ay sida qasabka ah ku haystaan ayay cod bixintan sida xorta ah u dhacday la doonayaa inay darsi u noqoto sida gumaysiga Itoobiya oo qasab ku haysata Ogadenya waxaana la doonayaa in afti xor ah laga qaado shacabka Ogadenya.

                           HALKAN KA DAAWO

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay