Shir looga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Shirka oo ay ka qaybgaleen madax ka kala socotay dowladaha taageera Soomaaliya ayaa waxaa guddoomiyay xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobay, Mr. Ban Ki-Moon.

Arrimaha diiradda lagu saaray shirka ayaa waxaa qayb ka ahaa siyaasadda, amniga, hirgalinta federaalka, la-dagaallanka argagixisada iyo hiigsiga Soomaaliya ee sannadka 2016-ka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka uga warbixiyay hawlaha u qabsoomay dowladda iyo qorshaheeda wakhtiga u dhimman.

Xog-hayaha guud ee Qarammada midoobay, Mr. Ban Ki-Moon ayaa soo jeediyay in dowladda Soomaaliya ay dib u eegis ku samayso dastuurka iyo guddiyada doorashada, kahor sannadka 2016-ka.

Ban Ki-Moon ayaa tilmaamay in beesha caalamku ay joogtaynayso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya iyo shacbigeeda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay