Dowladda dalka Qadar ayaa sheegtay ineey xoojinayso taageerada ay siiso Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacbigeeda. Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibadda ee Qadar, Maxamed bin Cabdullaahi Al-Rumeyxi ayaa hadalkan ka sheegay magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Wuxuu xaqiijiyay in kaalmada ay siinayaan Soomaaliya ay u marsiin doonaan urur samafal oo islaami ah, isla markaana wax looga qabanayo amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada. Al-Rumeyxi ayaa xusay in labada dowladood ee Qadar iyo Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii ay Soomaalidu uga faa’iidaysan lahayd gargaarka loogu yaboohay.

Dawladaha Carabta ayaa aad u danaynaya  baryahan danbe  sidii Soomaliya xasilooni loogu soo rogi lahaa islmarkaana lagu horumarin lahaa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay