Wararka naga soogaadhaya Gobolka Jarar ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo aad u badan oo guud ahaan Gobolka kasocda. Warkan oon kahellay Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenia ee ONA uga soo warama Xarunta
Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya JWXO ayaa tibaaxaya ineey jiraan tacadiyo badan oo guud ahaan gayiga Ogadenia iyo gaar ahaa Gobolka Jarar ba kajira. Tacadiyadan oo aan lasoo koobikarin ayaan helay kuwan hoos kuqoran.

Waxaa markay taariikhdu ahayd 29/9/2015 Ceel-xaar oo Dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar
katirsan ay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen dad shacab ah oo aad ubadan waxaana magacyadooda helay kuwan soo socda.
1) Axmad Sheekh Xassan
2) Aar Cabdi Qootaate
3) Cabdi Suldaan Xassan Khaliif
4) Haadi Carab Guuleed
5) Cabdulaahi Xaashi Khaliif
6) Carab Ismaaciil Owlaad.

Waxaa sidoo kale 29/9/2015 Dagmada Birqod ee Gobolka Jarar ay ciidanka cadawgu ku xidh xidheen dadka kala ah
1) Ardokaad Mukhtaar Cabdi
2) Saadiq Sayid Cabdiqaadir iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Rakuub Sheekh Maxamad.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay