Shalay oo Arbaco ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 30/9/2015 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab ka qabsoomay shir balaadhan ooy soo qaban qaabiyeen maamulka Faraca Midnimo ee xerada Dhagaxlay. Shirkan oo ahaa kii caadiga ahaa ee bishiiba mar qabsoomi jiray ayay kasoo qayb galeen xubno iyo taageerayaal aad u badan oo kamid ah shacabka kudhaqan xerada Dhagaxlay.

Shirkan oo uu shir gudoominayay xoghayaha Faraca Midnimo Halgame Sheekh Aadaan ayaa furmay abaare 2:00 duhurnimo xiliga Dhadhaab waxaana sidii caadada ahaydba lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay hogaanka diinta iyo dabagalka ee faraca mudane sheekh cabdinajiib oo ugu horaynba xubnaha xasuusiyay cabdida Allaah S.W wuxuuna sheekhu ku nuuxnuuxsaday baahida looqabo inaan cadawga iska dulqaadno inaga marayna wadadii uu Allaah ina baray si daalimiinta loola dagaalamo.

Intaas kadib waxaa laguda galay qodobadii shirka waxaana lagu soodhaweeyay halgame muuse cismaan oo madasha ka akhriyay warbixin aad u dheer oo Dal iyo Dibadba ah wuxuuna bulshadii kahaqab tiray warar ay u soomanaayeen oo gudaha iyo dibadaba ahaa. Sidoo kale waxaa lagu soodhaweeyay Hogaanka Abaabulka ee Faraca oo hadalo abaabul ah kadib iclaamiyay in xubnaha looqaban doono siminaar kusaabsan barashada halganka.

Sidoo kale waxaa goobta laga akhriyay qaybo kamid ah xeerka jaaliyada Bariga Africa si ay xunbaha cusub ugu dhaqmaan kuwii horana ugu baraarugaan. Waxaa isna kalmadiisa lasiiyay gudoomiyaha gudiga qoxootiga ree ogadenia ee xerada Dhagaxlay mudane cabdi maxamad gaaciye wuxuuna gudoomiyuhu goobta kasoo jeediyay kalmad wacyi galin ah isagoo bixiyay ogaysiisyo laxidhiidha xaalada qoxootiga.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa waxaa lagu wareejiyay xubnihii faraca isagoo uu gudoonku sheegay in lagaadhay xiligii afkaarta xubnaha waxaana goobta kahadlay xubno aad u badan oo cabiray fikirkooda saliimka ah wuxuuna shirku kusoo dhamaaday si nabad galiyo ah.

ONA Dhadhaab.

IMG-20150930-WA0053

IMG-20150930-WA0051

IMG-20150930-WA0049

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay