Warar lagu kal soonyahay oo ONA hadda soo gaadhay  ayaa waxay sheegayaan ineey Itoobiya ka baxday shir baryahanba kasocday xarunta Qaamada Midoobay ee Geneva. Shirkan ayaa waxaa lagaga hadlayay xaalada xaquuqal insaanka ee Itoobiya kajirta.

Gumaysiga Itoobiya ayaa shirkan aad loogu eedayay habka ay Shacabka, Siyaasiyiinta & Suxufiyiinta u la dhaqanto taasoo ay warbixintu xanbaarsanayd gabood fallo naxariis daro ah oo banii’aaminimada kadhan ah iyadoo ay  ururada caalamka ee Xaquuqal Insaanka udooda markii lasoo hordhigay ay aad ulayaabeen filansho waana ay kunoqotay cadaymaha lasoo hor dhigay wufuudii kala duwanaa ee beesha caalamka.

Kadib markii laga rabay waftigii Gumaysiga Itoobiya kasocday ineey ka doodaan eedaymaha loosoo jeediyay ama ay jawaab ka bixiyaan ayaa waxay door bideen ineey xamaantooda ay ka uruursadaan ooy shirkii ka dareeraan taasoo ay kala kulmeen waji gabax goobtii shirku ka socday.

Waxaa xusid mudan in Gumaysiga Itoobiya sanad walba ay hay’adaha caalamka ee Xaquuqal Insaanka u dooda sida Human Right Watch & Amnesty International  ay warbixinadooda  kusoo saaraan tacadiyada ay ku hayaan guud ahaan shucuubta Itoobiya gaar ahaan shacbiga Somalida Ogadeniya.

All members with the exception of Russia's UN Ambassador Vitaly Churkin and China's deputy U.N. Ambassador Wang Min vote in the United Nations Security Council in favor of referring the Syrian crisis to the International Criminal Court for investigation of possible war crimes at the U.N. headquarters in New York May 22, 2014. REUTERS/Lucas Jackson (UNITED STATES - Tags: POLITICS) - RTR3QEAZ

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay